Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maraykanka Ku Guubaabiyey Inuu Cilaaqaad Toos Ah La Yeesho Somaliland

 

15/07/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Waraaq dheer oo uu u qoray Dawladda Maraykanka wuxuu ku booriyey in ay Somaliland toos ula macaamilaan, maadaama oo ay tahay Dal Madaxbannaan oo Dimuqraadiyad taabogal ahi ka hirgashay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi, wuxuu sidaas ku sheegay Qoraal uu u diray Dawladda Maraykanka oo Nuqul kamid ah ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Jamhuuriyadda Somaliland ee SOLNA, waxaanu Madaxweynuhu si qotodheer uga warramay Marxaladihii Somaliland ay soo martay ee ay ku gaadhay Dib-udhiska Dalka iyo Dib-uheshiisiintii ka hirgashay Jamhuuriyadda Somaliland ee aanu Caalamku waxba ku darsan.

Mudane Muuse Biixi wuxuu ku guubaabiyey Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, inuu la yimaado Siyaasad wax ku ool ah oo ka duwan tii hore ee Maraykanku kusoo dhaqmayey isla markaana aanu dhayalsan inuu Mudnaanta siiyo Jamhuuriyadda Somaliland oo ah Dal muhiim u ah Maraykanka iyo Xasilinta Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu si qotodheer uga warramay Dimuqraadiyadda iyo Dawladnimada ka jirta Somaliland, waxaanu tilmaamay in Toddoba Doorasho oo Xor iyo Xalaal ah oo ay qireen Goobjoogeyaashii Caalamiga ahaa ay ka qabsoomeen Somaliland, isla markaana Dhulka Somaliland uu yahay mid ka caagan Budhcad Baddeeda iyo Argagixisada.

Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu sheegay in sida Maraykanku u danaynayo Gobolka Geeska Afrika ay caddaynayso sida Madaxweyne Joe Biden uu laba ergay ugu soo magacaabay, hase ahaatee wuxuu ku dooday in si wax looga qabto Caqabadihii jiray loo baahan in la abuuro Bahwadaag lagu kalsoonaan karo. Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay Maalgelin ku samaysay Dekedda Berbera, si loo gaadho horumar Dhaqaale oo dan u ah Cid Kasta.

Qoraalka Madaxweynuhu u diray Madaxweynaha Maraykanka wuxuu ugu soo jeediyey in aanu iska indhotirin Awooda Somaliland ay ka ciyaari karto Gobolka iyo Adduunkaba, waxaanu ku booriyey in Maraykanku uu Xidhiidh toos ah iyo Iskaashi uu la yeesho Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka hadlay Xidhiidhka Maraykanku uu Muddo Tobanaan Sanno ah Cilaaqaad la lahaa Dalka Taiwan oo uu ku tilmaamay Waddan Dimuqraadi ah oo muhiim u ah Xulufada Maraykanka.

Waxaanu tilmaamay in Iskaashiga Tooska ah ee Maraykanku la yeesho Somaliland ay wax ka tari doonto Xakamaynta COVID 19ka, La-dagaalanka Ayaxa iyo Dhibaatooyinka kale ee Xiligan ka jira Dalka.

Leave a Reply