Cali Guudlaawe Oo Muqdisho Kula Kulmay Madaxweynehii Hore Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Sheekh

 

15-07-2021

 

MUQDISHO – Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseyn (Cali Guudlaawe) oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Maanta la kulmay Madaxweynehii Hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay Xaalada Dalka, Arrimaha Doorashooyinka iyo Xaaladaha Siyaasadeed ee ka jira Dalka.

 

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Doorkii uu ka qaatay Heshiiskii laga gaaray Arrimaha Doorashooyinka iyo Kaalintii uu ku lahaa.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka waday Kulamo la xiriira Arrimaha Doorashooyinka iyo sidii Xal looga gaari lahaa Tabashada ay qabaan Dadka dego Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabelle iyo Ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa Xilligan ku sugan Caasimada Dalka Soomaaliya halka Guddoomiyaha baarlamaanka Maamul Goboleedka Hir-Shabelle uu Dalka Soomaaliya ka maqan yahay.

Xigasho: Jowhar News

 

Leave a Reply