Xildhibaano Kulan Deg-deg Ah Ka Yeeshay Shaqo Joojinta Maamulka Magaalada Buulo Burde

 

14-07-2021

 

MUQDISHO – Xildhibaano katirsan Maamul d Goboleedka Hir-Shabeelle oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa isugu yimid Kulan Deg-deg ah oo looga hadlay Go’aankii Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) uu Shaqada uga joojiyay Maamulka Magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanada ayaa waxaa ay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay Go’aankii uu gaaray Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ee uu Shaqada uga joojiyay Maamulka Magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanada Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ee kulmay ayaa Yuusuf Dabageed ku eedeeyay inuu Qalalaaso ka bilaabay Magaalada Buulo Burde, iyagoona sheegay in Go’aanka uu gaaray sababay Xiisad Cusub.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle inay si Deg-deg ah dib Shaqadooda ugu fasaxaan Maamulka Magaalada, ayna dooneynin in Xaalad lamid ah tan Balad Weyne ka jirta oo kale laga abuuro Buulo Burde.

Ugu dambeyn Xildhibaanada ku shiray Magaalada Muqdisho ayaa Madaxda Maamul Goboleedka ka dalbaday inay dib ugu laabtan Caasimadda Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar oo ay ka maqan yihiin.

Si kastaba Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Hir-ShabeelleYuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa Shaqo Joojin ku sameeyay Guddoomiyihii Magaalada Buulo Burde Feysal Xaaji Aadan iyo Labadiisa Ku-xigeen, sababo la xiriira Qilaaf Muddooyinkii dambe ka dhexeeyay

– Radio Dalsan

Leave a Reply