Xil Kaqaadis Lagu Sameeyay Guddoomiyahii Magaalada Buulo Burde Iyo Mid Cusub Oo Loo Magacaabay

 

14-07-2021

 

BUULO BURDE – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Xil kaqaadis lagu sameeyay Guddoomiyahii Magaalada Buulo Burde Feysal Haajir Aadan.

Wareegtada waxaa kaloo lagu sheegay in Guddoomiyaha Cusub ee Magaalada Buulo Burde, in loo magacaabay Axmed Mahad Nuur; waxaana Magacaabista Guddoomiyaha Cusub ay imaaneysa Xili Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay Hakad ku jireen Howlihii Shaqo ee Magaalada Buulo Burde kadib markii uu Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) uu Shaqo Joojin uu ku sameeyay Maamulka Magaalada Buulo Burde.

Xil kaqaadista Guddoomiyahii Hore Feysal Haajir ayaa la sheegay iney Salka ku hayso Qilaaf daba dheeraaday oo u dhexeeyay isaga iyo Ku-xigeenadiisa walow aanan la shaacin waxa keenay Qilaafkaasi oo ugu dambeyn sababay in Xilka looga qaado Guddoomiyahii Magaalada Buulo Burde Feysal Haajir Aadan.

– Hiran Online

Leave a Reply