Waxaa Laga Shiray Amni Darrada Ka Jirta Magaalada Marka

 

14-07-2021

 

MARKA – Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Maanta ka qabsoomay Kulan ay yeesheen Guddiga Amniga Magalada Marka, iyada oo uu shir- guddoominayay Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaahi Axmed Cali (Waafow).

Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa, Saraakiisha Ciidamada, Millateriga, Nabad Sugida iyo Booliska iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Magaalodaas.

Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Guutada 14ka Oktoober Laba Xidigle Cabduqaadir Xasan ayaa sheegay in Shirka Diirada lagu saaray Falalka Amni Darro ee Maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Magalada Marka iyo Degaannada Hoostaga, kaas oo badi ay geysanyeen Al-Shabaab iyo Kooxo Burcad ah.

Waxaa uu Hadalkiisa intaasi ku daray in Shirka lagu go’aamiyay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ay Degaannada Hoostaga Magaalada Marka ka fuliyaan Howlgallo, si Dadka Shacabka ah ay Nabad ku maraan Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Magaalada Marka.

Shirkan looga hadlayay Amniga ee lagu qabtay Magalada Marka ayaa waxaa uu daba socday Falal la xiriira Dhac ee kusoo kordhay Gudaha Magaalada Marka iyo Weeraro dhowr ah oo Al-Shabaab ay ka fuliyeen Duleedka Magaalada Marka.

– Radio Risaala

Leave a Reply