Dhacdo Argagax Leh Ayaa ka Dhacday Beled Weyne

 

14-07-2021

 

BELED WEYNE – Macalin Dugsi Qur’aan oo lagu magacabi jiray Macalin Cumar Macalin Muxumed Xalane ayaa Xaaskiisa ay siisay Caawa, Cunno Sumeysan, isaga oo u geeriyooday Sunti la siyeey markii dambe.

Arrintan ayaa ka Dhacday Xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Cali Macalin Muxumed oo ay wada dhasheen Macalinka Sunta u geeriyooday ayaa Warbaahinta Hiiraan Weyn u xaqiijiyay, waxana uu sheegay in uu jiray Qilaaf Maalmihii danbe u dhexeeyay Marxuumka iyo Xaaskiisa isla markaana ay aheyd Gabadh uu dhawaan guuraday.

– Hiiraan Weyn News

Leave a Reply