Wasiirka Dhallinyarada Oo Soo Xiray Shirka Wadatashiga Siyaasadda Qaran Ee Dhallinyarada

 

13-07-2021

 

MUQDISHO (SONNA) – Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa soo xiray Shir looga hadlayey Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada oo Afar Maalin ka socday Muqdisho.

Kulanka Wadatashiga oo ay soo qaba-qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada ayna ka qeyb galeen 25-Gabdhoob oo wax bartay, ayaa Madasha ku soo gudbiyay Aragtidooda, Caqabadaha jira iyo waxa ay u arkaan Xalka Waara ee lagu horumarin karo Gabdhaha Soomaaliyeed, taasi oo ay ku biiriyeen Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa oo soo xiray Shirka ayaa sheegay in ay aad u yar yihiin Fursadaha Maanta ay Haweenku ka heystaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda, gaar ahaan Kuraasta la doorto iyo Xilalka la magacaabo.

Leave a Reply