Shaqo Joojin Lagu Sameeyay Maamulka Magaalada Buulo Burde Ee Gobolka Hiiraan

 

13-07-2021

 

BUUL BURDE – Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa Shaqo Joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan Feysal Xaaji Aadan iyo Labadiisa Ku-xigeen.

Shaqo Joojintan ayaa la xiriirta Qilaaf Mudooyinkii dambe u dhaxeeyay Maamulka Magaalada Buula Burde.

Madaxweynaha Ku-xigeenka Dowlad Gobleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Maamulka Magaalada Buulo Burde ay Xalin waayeen Qilaafkii ka dhextaagnaa.

Waxaa uu sidoo kale xusay in dhawaan loo magacaabi doono Maamul C,usub, si loo sii waddo Howlaha Magaalada.

– Radio Risaala

Leave a Reply