Maxay Ka Wada Hadleen Golaha Midowga Musharixiinta Iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Ee Heer Federaal?

 

13-07-2021

 

MUQDISHO – Golaha Midowga Musharixiinta iyo Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa waxey Kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, si ay uga wada-hadleen sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorasho lagu kalsoon yahay oo si Cadaalad ah u dhacda.

Musharixiinta ku hamineysa Xilka Madaxweynaha iyo Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa Warbixin kala qaatay iyaga oo is dhaafsaday Howlaha socda iyo Kaalinta bannaan ee u baahan in la buuxiyo.

Midowga Musharixiinta ayaa markale ballanqaaday in uu gacan ka geysanayo Qabsoomidda Doorashooyinka ay ku heshiiyeen Wasiir Koowaad Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer federal Iyo Heer Dowlad-Goboleed ayaa waxey qaateen Tababar la xiriira Doorashooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, waxaa ayna iska dhex doorteen Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Image

– Radio Mustaqbal

Leave a Reply