Ugu Yaraan 4 Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

 

12-07-2021

 

Rabshado ka dhashay Xarigii loo geystay Madaxweynihii Hore ee Dalka Koonfur Afrika Jakob Suuma (Jacob Zuma) ayaa Maalintii 5aad ka soconaya Gudaha Dalkaas.

Taageerayaasha Suuma (Zuma) ayaa dhigaya Banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in Xabsiga laga soo daayo Hogaamiyadooda.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu kamid yahay Dalalka inta badan Dhalinyarada Soomaaliya ay u Ganacsi dontaan.

Ugu yaraan inta la xaqiijiyay 4 Qof oo Dhalinyara Soomaali ah ayaa lagu dilay Dalka 24kii Saac ee la soo dhaafay.

Dhalinyaradan ayaa ahaa kuwa Ganacsiyo ku leh Magaalooyinka Koonfur Afrika, waxaana lagu kala magacaaba: Maxamuud Qoojo, Goosaar Ganeey, Mahad Ciise, iyo Nuur Cali Sarjaan.

Dhanka kale, Hanti badan oo ay leeyihiin Dad Soomaali ah ayaa Dalkan Koonfur Afrika lagu dhacay, iyadoo Kooxaha Falkan ka dambeyay aysan Dowladda weli Gacanta ku dhigin.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa horay waxaa marar badan loogu dilay Dhalinyaro Soomaali ah kuwaas oo Dalkaas Ganacsiyo kala duwan ku lahaa.

– Goobjoog News

Leave a Reply