Maamul Goboleedyada Puntland Iyo Gal-Mudug Ayaa Ku Heshiiyay In Al-Shabaab Laga Saaro Gobolka Mudug

 

12-07-2021

 

GAALKACYO – Wasiirada Amniga ee Maamul Goboleedyada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa Kulan ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo waxaa ay ku heshiiyeen inay si wadajir ah ula dagaalamaan Dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale la isku afgartay in la xoojiyo Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Mudug, islamarkaana gabi ahaanba laga saaro Deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Maamul Goboleedyada Gal-Mudug iyo Puntland ay sameeysanayaan Iskaashi dhinaca Amniga ah, isla markaana ay la dagaalamayaan Al-Shabaab oo Dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay Degaano katirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa isna sheegay in Maamul Goboleedka Puntland uu ku biirayo Dagaalka ay Gal-Mudug kula jirto Al-Shabaab, isla markaana marnaba aysan jiri doonin Dad ay kala tashanayaan Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply