Guddoon Uu Doortay Guddiga Doorashooyinka Maamul Gobaleedka Hir-Shabeelle

 

12-07-2021

 

MUQDISHO – Magaalada Muqdisho waxaa Maanta Kulan ku yeeshay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle, iyaga oo doortay Guddoomiye iyo Ku-xigeenkiisa.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood ayaa waxaa Xilka Gudoomiyaha isku soo taagay Axmed Xasan Diini, waxaana iyada oo Aysan Jirin Cid la tartantay, oo ku guuleystay Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle, isaga oo helay 10 Cod.

Xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga ayaa waxa isku soo sharaxay Xaliimo Maxamed Cismaan, waxaana , iyada oo Aysan Jirin Musharax kale oo kula tartamay Jagaadan ay heshay dhamaan Codadka Guddiga, iyada oo noqotay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Dowlad Gobaleedka Hir-Shabeelle.

Horay waxaa Guddoon u doortay Guddiyada Doorashada Heer Federaal, kuwa Dowlad Goboleedyada sida Maamul Goboleedyada, Koonfur Galbeed, Gal-Mudug, Puntland, Jubbaland, Guddiyada Doorashooyinka Maamulaya ‘Beelaha Banaadiriga’ iyo ‘Guddiga Doorashada Xildhibaannada ‘Gobolada Waqooyi’.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply