Dowladda Jabuuti Oo Iibineysa Saami Kamid Ah shirkadda Jabuuti Telecom

 

12-07-2021

 

JABUUTI – War Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu shaaaciyay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti ay Axaddii Shalay ansaxisay Xeer qabyo ah oo ku saabsan in Shirkadda Isgaadhsiinta ee Dalkaasi ee Jabuuti Telecom oo ay Dowladdu leedahay Qayb yar oo kamid ah Saamigeeda laga iibiyo Maalgashadayaasha lagu kalsoonyahay ee Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Qodobkan lagu gorfeeyay Shir ay yeesheen Xubnaha Golaha Easiirada ee Jabuuti oo uu Shir Guddoominayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Tallaabadan ayaa ah mid ay Xukuumadda Jabuuti ku tilmaantay Tallaabo Taariikhi ah oo suurtagalinaysa in la furfuro lana horumariyo Dhaqaalaha Dalkaasi oo ay inta badan Gacanta ku hayso Dowladda.

War Saxaafadeedka Madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu sheegay in meelmarinta Xeerkan ay Xukuumaddu u adeegsan doonto Talada iyo Aqoonta Shirkado iyo Khubaro Calami ah, kuwaasi oo Gacan ka gaysan doona sidii loo hirgalin lahaa Qorshahan.

Sidoo kale War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Qorshahan uu qayb ka yahay Horumarinta Dhaqaalaha, kaas oo la rabo inuu la jaanqaado Dhaqaalaha Casriga ah ee ku salaysan Internet-ka.

– VOA Somali

Leave a Reply