Waxaa Dalka Soomaaliya Dib Ugu Noqday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya

 

11-07-2021

 

MUQDISHO – Guddoomiyaha Golaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay kadib Socdaal uu ugu maqnaa Dalka Turkiya.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Magaalada Muqdisho, kusoo dhaweeyay Wasiiro katirsan Dowladda Xilgaarsiinta iyo Xildbibaano katirsan Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo hadlay ayaa wuxuu uga Mahadd celiyay sida ay u soo dhaweeyeen Xubnihii Labada Gole, ha yeeshee uusan wax Faah-faahin ah ka bixin Socdaalkii uu Dalka uga maqnaa.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ka maqnaa Saaxada Siyaasada ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply