Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Jeneraal Odowaa Baa Gaaray Magaalada Buulo Burde Ee Gobolka Hiiraan

 

11-07-2021

 

BUULO BURDE – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray Magaalada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan, waxaana Garoonka Diyaaradaha Buulo Burde kusoo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 27aad Jeneraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho).

Ujeedka Socdaalka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa u Salka ku hayaa Daahfurka Taliska Qeybta 27aad oo laga dhigay Magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Qeybta 27aad ayaa lagu wadaa inay Saldhig Weyn ka furato Magaalada Buulo Burde oo ah Magaalo go’odon ah oo ay ku hareereysan yihiin Deegaano ay ka taliyaan Ururka Al-Shabaab.

 

Xigasho:Jowhar News

Leave a Reply