Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Moqdisho Dib Ugu Soo Laabtay

 

11-07-2021

 

MUQDISHO (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho dib igu soo laabtay kadib Socdaal Afar Cisho qaatay oo uu ku tagay Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa Diiradda saarayay Arrimaha Hirgelinta Doorashooyinka, Dib-uheshiisiinta, Xoojinta Amniga iyo Fulinta Mashaariic Horumarineed oo wax tar u leh Bulshada.

Leave a Reply