Hay’adda King Salmaan Oo Ka Warbixisay Barnaamijyo Aqooneed Oo Ay Somaliland Ka Fulisay

 

11/07/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Hay’adda Arrimaha Bani’ Aadanimada ee King Salman ayaa sheegtay in ay soo gebo-gebaysay Tabobaro ay ka waday Dalka Jamhuuriyadda Somaliland meelo kamid ah.

Hay’adda oo Dhalinyaradda iyo Haweenka Somaliland ka taageerta kor u qaadida Xirfadahooda ayaa tilmaantay in ay ka qalin-jebiyeen Tabobarada ay bixiso Dhalinyaro iyo Haween kala duwan oo Reer Somaliland ah, kuwaas oo bartay Xirfado ay kamid yihiin Koombiyuutaradda, Xirfada Laydhka,Dawaarka ,Biyo gelinta iyo soo saarista Fooxa.

Yuusuf Al-Raxma oo ah Agaasimaha Hay’adda King Salmaan ee Afrika oo ka warbixiyey Mashaariicda ay Somaliland ka wadaan, gaar ahaana Mashaariicdan kor loogu qaadaayo Xirfadaha Dhalinyaradda iyo Haweenka Somaliland oo u waramay Warbaahinta Arabnews oo ay warkan kasoo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in Waxbarashadan ay bixiyeen ay tahay Diblooma, waxaanu cadeeyey in ay doonayaan in Dhalinyaradda iyo Haweenkani ay ku shaqaystaan Xirfadihii la baray, isla markaana ay ku taageeraan Nolol Maalmeedkooda,si ay ugu noqdaan Qoysaskooda il Dhaqaale.

Masuuliyiinta Hay’adda ayaa sidoo kale booqday Shaybaadhada Waxbarashada ee Jaamacaddaha qaarkood,kuwaas oo ay dib u habayn ka socoto, waxaana dib u habayntaas maalgelinaysa Hay’adda King Salman ,waxaanay Masuuliyiintani Warbixino laga siiyey sida ay Hawluhu u socdaan.

Masuuliyiinta ka socday Hay’adda King Salmaan ayaa ku booriyey Masuuliyiinta Gacanta ku haysa Dib-udayactirka Shaybaadhan in ay laban laabaan Dedaalkooda.

Leave a Reply