WK Rooble Oo Sheegay Inuu Tegi Doono Dhamaan Goobaha Ay Ka Dhacayaan Doorashooyinka

 

10-07-2021

 

KISMAAYO – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Kismaayo ayaa Maanta gaaray Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wasiir Koowaadka ayaa kahor inta uusan ka tegin Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa uu kormeeray Goobta Magaalada Kismaayo looga diyaariyay inay ka dhacdo Doorashada Labada Aqal, isaga oo Kulan dardaaran ahaa la qaatay Guddiga Doorashooyinka Maamul Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale, Wasiir Koowaad Rooble oo hadlay, ayaa sheegay in dhamaan uu booqan doono Xarumaha loo asteeyay inay ka dhacaan Doorashooyinka, sida, Boosaaso, Garoowe, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Baraawe, Baydhabo,Jowhar iyo Beledweyne.

Rooble ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Ujeedkiisa uu yahay sidii uu u indha-indheyn lahaa Goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyink, isla markaana uu u kuurgalayo Xaaladaha Amni ee kajira Goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayaan Guddigii uu u magacaabay Arrimaha Gobolka Gedo, ayaa waxaa ay Degmada Garbahaareey ay kula kulmi doonaan Odayaasha Dhaqanka iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo, si Xal looga gaaro Arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Xildhibaannada Labada Aqal, waxaana dhawaan la filayaa in la geeyo Ciidamo katirsan Boolisa AMISOM iyo kuwa Dowladda sida uu dhigayay Heshiiskii Doorashada ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

– Radio Risaala

Leave a Reply