Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Ka Socda Buuraleyda Gobolka Bari Ee Soomaaliya

 

10-07-2021

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal Maalintii Saddexaad oo xiriir ah ka socdo Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari, kaas oo u dhexeeyo Ciidamada Ammaanka ee Maamul Goboleedka Puntland iyo Dagaalyahanada Kooxda Daacish.

Dagaalkan oo ah mid culus ayaa Xoogiisa waxa uu haatan ka socdaa Dhinaca Buuraha Calmiskaad iyo Galgala, waxaana la’ isku adeegsanayaa Hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo Dadka Deegaanka ah.

Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadlay Dagaalkaasi, waxaa uu shaaca ka qaaday inay Qasaare culus ku gaarsiisay Kooxda Daacish, sidoo kalena ay ka qabsadeen Dhul ballaaran, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa qeybo badan oo kamid ah Gobolka Bari ee maamul Goboleedka Puntland.

– Radio Shabelle

Leave a Reply