Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magalada Muqdisho

 

10-07-2021

 

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya Qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Walxa Qaraxa kaasoo la doonayay in lagu dilo Taliyaha Guud ee Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud (Farxaan Qaroole).

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Warbaahinta kula hadlay Goobtii uu Qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inuu Qaraxa geystay Qasaare kala duwan oo isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac, islamarkaana uu Weerarkaasi ka badbaaday Taliye Farxaan Qaroole oo u jeedku ahaa in lagu dilo.

Goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ka muuqday Burbur aad u xoogan oo gaaray Dhismayaasha ku yaala halkaasi iyo waliba kuwa Xaafadahaasi ka agdhaw.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada Weerarka Qaraxa Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay iney ku dileen 4 Askri oo katirsnaa Ilaalada Taliye Farxaan Qaroole, kuna dhaawaceen 5 kale oo isla Ilaalada Taliyaha kamid ahaa.

– Daafeet News

Leave a Reply