Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya Oo Ka Hadlay Qarax Lagu Weeraray Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir

 

10-07-2021

 

Police vehicles at the scene of the explosion | Photo Courtesy of Somali National Television

 

MUQDISHO – Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, ayaa ka badbaaday Qarax loo adeegsaday Gaari, kaas oo lagu weeraray Kolanyadda Taliyaha oo marayay meel u dhaw Isbitaalka Banaadir.

Xilliga Qaraxa lagu weerarayay Kolonyada Gaadiidka ee uu la socday Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir, ayaa waxey marayeen inta u dhexeeysa Isbitaalada Banaadir iyo Madiina.

“Weerar loo adeegsaday Gaari laga soo buuxshay Walxaha Qarxa ayaa lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud Qaroole, Argagixisadu Cidna kama niyad jabin karto Adeeg Ummadda loo hayo” ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya.

– Radio Mogadiscio

Leave a Reply