Sababihi Keenay In La Taliyaha Farmaajo Ee Arrimaha Doorashooyinka, Dib Looga Celiyo Magaalada Kismaayo

 

09-07-2021

 

KISMAAYO – Gashaanle Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor oo ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka warbixiyay Waxyaabihii keenay in Magaalada Kismaayo dib looga celiyo Cabdi Cali Raage oo ah Lataliyiha Arrimaha Doorashooyinka ee Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gaashaanle Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor wuxuu daboolka ka qaaday in Cabdi Cali Raage oo ah Lataliyiha Arrimaha Doorashooyinka ee Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in Sababo Amni Awgood dib loogaga celiyay Magaalada Kismaayo isla markaana ay Ciidamada la socdeen Dhaqdhaqaaqiisa.

“Maalmahii lasoo dhaafay waxa aan la soconay Dhaq-dhaqaaqyo ay Kooxo uu hormuud u yahay Cabdi Cali Raage ka wadeen Gudaha Magaalada Kismaayo, kuwaasoo la doonayay inay Magaalada soo galiyaan Hub Sharci Darro ah, si loogu dhibaateyo Nabada iyo Kala Dambeynta ka jirta Jubbaland,”ayuu yiri Gaashaanle Sadiiq Sadiiq Maxamuud Dhogor oo ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose.

“Cabdi Cali Raage ayaa kamid ah Dadka ka faa’iideysanayey Qilaafka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo Mudaba ka shaqaynaayey Dibin Daabyeynta Dowlad Goboleedka Jubbaland,” ayuu Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose sii raaciyay hadalkiisa.

Cabdi Cali Raage oo ah Lataliyaha Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa ee Farmajo ee Arrimaha Doorashooyinka oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa qirey in laga soo celiyay Magaalada Kismaayo, isagoona sheegtay in uu ahaa Murrashax u taagan Golaha Baarlamaanka.

Isha Warkan: Boggaga Wararka Soomaaliya ee Afka Soomaaliga

 

Leave a Reply