Kulan Gaar Ah Uu Wasiir Koowaad Rooble, Uu Kismaayo Kula Yeeshay Taliska Ciidanka AMISOM

 

09-07-2021

 

KISMAAYO – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa lasoo sheegayaa in Kulan Gaar ah uu Magaalada Kismaayo uu kula yeeshay Taliska Ciidanka AMISOM, gaar ahaan Qeybta 2aad (Sector 2).

Kulanka uu Wasiir Koowaadka uu la yeeshayTaliska Ciidanka AMISOM, Qeybta 2aad (Sector 2) ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, waxaana looga wada-hadlay Arrimaha Amniga Guud ee Maamul Goboleedka Jubaland, gaar ahaana Amniga Doorashooyinka.

WK Rooble ayaa wuxuu Kulamo kala duwan uu la yeelanayay Qaybaha kala duwan ee Maamul Goboleedka Jubaland (Muxaafid iyo Mucaarad) tan iyo markii uu ka gaaray Magaalada Kismaayo

Xigasho: Boggaga Wararka Soomaaliya ee Afka Soomaaliga

Leave a Reply