Kulan Uu Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle, Uu La Yeeshay Qaar Kamid Ah Xubnaha Guddiga Doorashooyinka

 

09-07-2021

 

JOWHAR – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlawe Xuseyn ayaa Maanta Kulan Qado Sharaf ah la qaatay Gudiyadda Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed, Heer Federaal iyo Xalinta Qilaafaadka ee Hir-Shabeelle.

Mudane Guudlaawe oo Kulankan ay ku wehlinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Xasan Cusmaan, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Qorsheynta.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlawe Xuseyn ayaa Guddiyada kala duwan ee Doorashooyinka kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan Cadaaladda oo ay qabtaan Doorasho Xur iyo Xalaal ah oo Jawi Nabdoon ku dhacda, isagoo uga mahadceliyay Dadaalka iyo sida ay uga go’an tahay Gudashada Masuuliyada adag ee dusha ka saaran.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply