Mid Kamid Ahaa La-taliyeyaasha Farmaajo Ayaa Laga Soo Celiyay Garoonka Diyaarada Magaalada Kismaayo

 

08-07-2021

 

KISMAAYO – Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayan in Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, Maanta laga soo celiyay Diyaarad siday La-taliyaha Arrimaha Doorashooyinka ee Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo lagu magacaabo Cabdi Cali Raage.

 

Diyaarada oo ka ambabaxday Magaalada Muqdisho ayaa markii ay ka degtay Garoonka  Diyaaradaha Kismaayo, ayaa waxaa lagu wargeliyay Dadkii saarnaa Diyaaradaasi in dib ay ugu noqdaan agaalada Muqdisho, iyada uu Dadkaasi uu kamid ahaa Cabdi Cali Raage oo sidoo kale ah Murrashax Xildhibaan.

Qaar kamid ah Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa Warkaan xaqiijiyay, iyaga oo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Qof Murrashax Xildhibaan ah loo diido in uu tago Magaalada kismaayo.

Cabdi Caali Raage oo sidoo kale mar soo noqday La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa la sheegaa inuu kamid ahaa Xubnihii Udub-dhexaadka u ahaa Qilaafkii Federaalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply