Wasiir Koowaadka Soomaaliya Oo Goordhaweyd Gaaray Magaalada Kismaayo

 

07-07-2021

 

KISMAAYO – Wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayo Wasiir Koowaadka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Wasiir Koowaadka Dowladda Soomaaliya waxaa Garoonka Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Masuuliyiin katirsan Maamulkiisa.

Ujeedka Socdaalka Wasiir Koowaadka ayaa lagu sheegay sidii Dib-uheshiin loogu sameyn lahaa Qilaafka daba dheeraaday ee ka taagan Gobolka Gedo, iyo waliba sidii loo dardargelin lahaa Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Wasiir Koowaadka ayaa sidoo kale Wararka hordhaca ah ee lagu kalsoonaan karo sheegayaan in Maalinta Jimcaha uu tagi doono Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo, si uu ugu kuur galo Qilaafka jira.

Mudane Rooble ayaa inta uu joogo Magaalada Kismaayo waxaa lagu wadaa inuu dhagax-dhigi doono Mashaariic dhowr ah oo ay Dowladda Soomaaliya ka fulineyso Magaalada Kismaayo.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply