Wasiir Koowaad Rooble Ayaa Lagu Wadaa Inuu Maanta Gaaro Dowlad Goboleedka Jubaland

 

07-07-2021

 

MUQDISHO – Wasiir Koowaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu Maanta u socdaalo Magaalada Kismaayo ee looga arrimiyo Dowlad Goboleedka Jubaland.

Socdaalka uu Wasiir Koowaad Maxamed Xuseen Rooble uu ku tagayo Magaalada Kismaayo ayaa aad looga dareemayaa guud ahaan Degaanada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubaland, maadaama uu noqonaya socdaalkii ugu horeeyey ee uu ku booqdo Dowlad Goboleedka Jubaland Mudadii uu Xafiiska joogay, isaga oo hore u booqday dhammaan Maamul Goboleedyada kale ee Dalka,

Sidoo kale waxa la filayaa inuu WK Rooble uu dhagax dhigi doono Mashaariic hormarineed oo laga hirgalin doono qeybo kamid ah Degaanada Dowlad Gobaleedka Jubaland.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply