Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Soomaaliya Oo Dagaalamay

 

07-07-2021

 

Is-rasaaseyn culus ayaa dhexmaratay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sagan Degmada Doolow, waxaana la soo warinayaa Qasaaro hordhac ah.


Sawir: Wikimedia Commons

 

DOOLOW – Wararka ka imaanaya Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Iska-horimaad Muddo socday oo u dhexeeyay Ciidanka Nabad Sugida Degmada Doolow iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Dhamadki Sanadkii Hore laga qaaday Magaalada Muqdisho uu ka dhacay Gudaha Degmada Doolow.

Sida ay sheegayaan Dad Goobjoogayaal ah, Dagaalka ayaa ka dhashay Muran soo kala dhex galay Labada Dhinac, waxaana ka dhashayQasaaro xooggan.

Ilo wareedyo ayaa ku waramay in Is-rasaasaynta Labada Ciidan oo Mudo socotay uu ku dhaawacmay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida ee Degmada Doolow, kaas oo lagu magacaabo Xasan Cibaad iyo Askari Ilaalo u ahaa.

Ilaa iyo hadda lama Shaacin waxa sababay Muranka keenay Is-rasaasaynta Labada Ciidan dhexmartay, mana jiraan wax War oo ilaa iyo hada kasoo baxay Laamaha Amniga Degmadaas oo ku saabasan Qasaaraha Rasmiga ah ee Dagaalka.

Dagaalka Ciidanka Dowlada dhexmara ayaa inta badan Soo-noqnoqda, waxaana Khubarada Amniga ay sheegaan in taasi ay ugu wacan tahay Kala-qaybsanaanta Ciidanka ee uu abuuray Farmaajo tan iyo marka uu Xilka Madaxweynaha uu qabtay Billowgii 2017.

Doolow, waxa ay kamid tahay Degannada ay Kooxda Farmaajo ka fara-maroojiyeen Maamul Goboleedka Jubballand, waxaana Degmada ku wada sugan Ciidamo kala duwan oo qaarkood dhawaan laga qaaday Degmada Beldxaawo.

Xigasho: Keyd Media

Leave a Reply