Booliska Koonfur Afrika Oo Sheegay Inaysan Soo Xiri Doonin Madaxweyne Suma (Zuma)

 

07-07-2021

 

PRITORIA – Booliiska Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in aysan sameyn doonin wax tallaabo ah oo ay ku soo qabanayaan Madaxweynihii Hore ee Dalkaasi Jakob Suma ( Jacob Zuma), oo dhowaan lagu xukumay 15 Bil oo Xabsi ah, islamarkaana ay sugayaan inta uu si buuxda uga dhammaanayo Dagaalka Dhanka Sharciga ah ee uu ku jiro.

Suma (Zuma) ayaa qaaday Laba Tallaabo oo uu ku doonayo in uu kaga fogaado inuu Xabsi galo kadib markii Maxkamadda Dastuuriga ah ee Dalkaasi oo ah tan ugu sarreeya ee leh Maamulka Caddaaladda ay Toddobaadkii Hore Xukun Xabsi ah ku ridday.

Waxaa loo sheegay in uu si Iskiis ah u yimaado Xabsiga Saqda Dhexe ee Habeenkii Axadda, iyadoo hadduu uu ku guuldareysto Booliiska la amray in ay ku soo xiri karaan Saddexda Cisho ee ku xigta.

Jimcihii ayaa Suma (Zuma) oo 79 Jir ah waxa uu tagay Maxkamadda si uu u joojiyo Fulinta Amarka Xarigiisa ah. Dalabkan ayay Maxkamadda Sare ee Bitermaritsiburug (Pietermaritzburg) ay dhageysatay Talaadada. Maxkamadda ayaa Go’aan soo saari doonta Jimcaha.

Suma (Zuma) ayaa sidoo kale ka codsaday Maxkamadda Dastuuriga ah in ay dib u eegto oo ay baabi’iso Xukunka Xabsi. Dacwaddaas ayaa iyana lagu wadaa in ay Maxkamaddu dhagaysato 12-ka Julaay (July).

Isha Warkan: AFP, loona soo maray VOA Somali

Leave a Reply