Baaq La Sheegayo In Laga Soo Saaray Dagaal Beeleedyo Ka Dhacay Degaano Hoostaga Magaalada Jowhar

 

07-07-2021

 

JOWHAR – Dagaal Beeleedkan oo geystay Qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay Tuulooyinka Dayma-Same iyo Maandheere oo hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Dagaalka oo Salka ku haaya Arrimo la xiriira Isku-qabsiga Dhulal ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Afar Ruuux oo Labada Dhinac ah, hayeeshee uu Si-iskiis ah u joogsaday Dagaalka.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay Maleeshiyaadka Dhinacyada ku dagaalamay Degaannada hoostaga Magalada Jowhar inay Dagaalka joojiyan, isla markaana wax walba Miiska Wada-hadalka ay ku dhameeyaan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dhawaan ay u baxayaan Goobaha lagu dagaalamayo, si ay Wada-hadallo Dib-uheshiisiin ah ugu furan Beelaha dagaalamay, si Xal Nabadeed loo gaaro.

Mas’uuliyiinta iyo Lamaha Amniga Magaalada Jowhar weli kama hadlin Dagaalkaas, inkastoo uu Dagaalka yahay mid 20-kii sano ee la soo dhaafay kusoo laab-laabtay Degaannada hoostaga Magaalada Jowhar.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply