Midowga Musharaxiinta Oo Farmaajo Ka Dalbaday Inuu Xilka Iska Casilo

 

06-7-2021

 

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Walaac darran ka muujiyay Xaaladda Dhalinyarada Tababarka Ciidan loogu qaaday Dalka Eretereeya, kuwaasi oo la sheegay inay Ka-qeybqaateen Dagaalo ka dhacay Dalka Itoobiya.

War Saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in Ummada Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan Welwelka iyo Walaaca ay ka qabaan Dhalinyarada Tababarka loogu qaaday Ereteeriya ee Nolol iyo Geeri lagu la’yahay.

Musharaxiinta ayaa tilmaamay in Arrintan ay tahay mid aan la iska indho-tiri karin, isla markaana uu Mas’uuliyadeeda qaadanayo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Xilgaarsiinta ayaa waxa ay Golaha ku eedeeyeen inuu Guddi Magaca-uyaal u magacaabay Welwelka ay qaatan Waalidiinta dhalay Dhalinyarada Tababarka Ciidan loogu qaaday Dalka Ereteeriya oo dhowr jeer Banaanbaxyo ka dhigay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa Farmaajo ugu baaqay inuu garowsado inuu ku fashilmay Xilkii loo dhiibay, uuna Ku Takri Falay Ilaalinta Dastuurka Dalka, isla markaana uu Iska Casilo Xilka oo mar labaad doonayo inuu isku soo sharaxo Hoggaaminta Dalka.

Hoos ayaa lagala socon karaa War Saxaafadeedka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

 

Leave a Reply