Maamul Goboleedka Gal-Mudug Ayaa Ka Hadlay Hawlgalka Lagu Qabtay Deegaanka Bacaadweyne

 

06-07-2021

 

BACAADWEYNE – Maamul Goboleedka Gal-Mudug ayaa ka hadlay Gulufkii Ciidan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Gal-Mudug ay Saakay kula wareegeen Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gal-Mudug ayaa lagu sheegay in Hawlgalkan uu bilow u yahay Dadaalada ay Gal-Mudug ku dooneyso inay Shabaabka kaga saarto Deegaanadeeda.

Qoraalka ayaa u qornaa “Ciidamada Qaranka iyo kuwa Amniga Gal-Mudug oo Hawlgal qorsheysan qaaday Saakay ayaa Gacanta ku dhigay Magaalada Bacaadweyne, Tuulada Qaycad, Sabeena Gawrac iyo Deegaano kale.Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa ka firxaday Deegaanadii ay ku sugnaayeen, waxaana si buuxda Gacanta ugu dhigay Ciidamada Soo-majeestayaasha ah. Shacabka Deegaanadaas laga qabtay Argagixisada ayaa si weyn u soo dhaweeyey Ciidamada Qalabka Sida iyo Guusha ay ka soo hooyeen Hawlgalkii Saakay. Dowlad Goboleedka Gal-Mudug oo Abaabulka Hawlgalkan ka dambeysa waxaa ka go’an in Cadowga Argagixisada Shabaab laga sifeeyo Gal-Mudug, Hawlgalka bilowdayna uu qayb ka yahay arrintaas.”

– Universal TV Somali

Leave a Reply