Waxaa La Helay Meydka Wiil Soomaali Ah Soomaali Ah Oo Maalmo La La’aa

 

05-07-2021

 

BRITS – Ciidanka Booliska Dalka Koonfur Afrika gaar ahaan kuwa Gobolka Waqooyi Galbeed (North West) ayaa Xalay helay Meydka Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo Maalmihii lasoo dhaafay lagu la’aa Nolal iyo Geeri.

Cabdullaahi Bootaan ayaa waxaa uu kamid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee wada Gaadiidka lagu wareejiyo Alaabaha (Delivery) ah, waxaana la waayay Seddex Maalin kahor oo ay baadi goobayeen Booliska iyo Muwaadiniin kale oo Soomaali ah.

Meydka Marxuum Bootaan ayaa waxaa markii hore soo arkay Nin Hindi ah oo Gaari watay, isagoona intaas kadib ku wargeliyay Booliska Gobolka Waqooyi Galbeed (North West) ee Koonfur Afrika, waxaana Goobta laga soo qaaday, lagu arkay Meydka Bootaan oo Jirkiisa ay ka muuqdeen Rasaas lagu dhuftay oo loo adeegsaday Dilkiisa.

“Meydka Walaalkeen waxaa soo sheegay Nin Hindi ah oo Gaariga Baakiga ah ee uu watay meel kusoo arkay, markii la dabagalayna Booliska ayaa Meydka heley, isagoo Xabado ku yaalaan …. ALLAHA u Naxariisto dabcan Gacan ka xaqdaran ayaa Nafta u qoonsatay oo ay muuqato in Dhac loo gaysanayey,” ayuu yiri Cabdalla oo Adeer u ahaa Marxuumka.

Allaha u naxariistee Cabdullaahi ayaa 3di Maalmood ee ugu dambeeyay Nolal iyo Geeri lagu la’aa, waxaana markii Cidi ugu war dambaysay ay aheyd Maalintii Khamiisti ee lasoo dhaafay, isagoo Xiligaas Gaari uu Alaabo (Delivery) ah ku wareejin jiray wata ka baxay Magaalada uu dagan yahay ee Brits, isla markaana kusii jeeday Thabazimbi oo 146,4 KM u jirta Brits.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply