Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Oo Gaaray Dalka Nijeeriya (Nigeria) Iyo Kulamo Uu Ka Balaabay Dalkaasi

 

05-07-2021

 

ADDIS ABABA – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Xalay Xilli dambe gaaray Dalka Nijeeriya (Nigeria).

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa Casuumaad ka helay Madax katirsan Dowladda Nijeeriya (Nigeria), sida ay sheegeen Mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Nijeeriya (Nigeria) Jamaal Maxamed Barrow ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Laftagareen uu Casuumaad Rasmi Ah ka helay Guddoomiyaha Ismaamulka Kaduna ee Dalka Nijeeriya (Nigeria).

Wararka ay heleyso Risaala ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Lafatagareen uu ka bilaabay Dalka Nijeeriya (Nigeria) Kulamo kala duwan, isaga Madaxda Ismaamulka Kaduna ay ka wada-hadlayaan Isdhaafsiga Waaya Aragnimada iyo wixii ay is dheer yihiin.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Nijeeriya (Nigeria) waxaa uu Kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda Dalkaas iyo Bulshada Soomaalida ee ku nool Dalkaas.

Xigasho: Borama News

 

Leave a Reply