Dowladda Soomaaliya Ayaa Ka Hadashay Xiisadda Dagaal Ee Ka Taagan Baledweyne

 

05-07-2021

 

MUQDISHO – Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadashayXiisad Dagaal oo ka taagan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib Dagaal halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle oo dhinac ah iyo Ciidamada la magac-baxay Golaha Kacdoonka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-uheshiisiinta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa marka hore loogu baaqay Bulshada ku dhaqan Magaalada Beledweyne iney Tabashadooda ku sheegtaan si Nabad ah oo aay ka fogaadaan waxyaabaha keeni kara Xasilooni-darada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-uheshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa qoraalka kasoo baxay Xafiiskiisa ku sheegay iney socdaan dadaalo lagu doonaayo in si Nabad lagu wadahadlo, islamarkaana Culimada, Duubabka Dhaqanka, Ganacsatada ka dalbaday iney u istaagaan Adkeynta Xasiloonida Magaalada Beledweyne oo lagu wado iney Doorasho ka dhacdo.

Warkan kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa imaanaya Xili wali Magaalada Beledweyne laga dareemayo Xiisad Dagaal oo u dhexeysa Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle iyo ciidamada la magac-baxay Golaha Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xuud.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply