Dagaal Ka Dhacay Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay

 

05-07-2021

 

DIINSOOR – Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay dhowr Jiho ka weerareen Saldhiga Ciidamada ay ku leeyihiin Degmada Diiinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal la isku adeegsday Hubka noocyadiisa kala duwan.

Qaar kamid ah Dadka ku nool Degmada Diinsoor ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen Dhawaqa Rasaasta ay isku adeegsanayeen Labada Dhinac, balse aysan weli kala cadeyn karin Qasaaraha ka dhashay Dagaalka.

Saraakiil katirsan Ciidamada Daraawiishta ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen Weerarkii kaga yimid Dhinaca Al-Shabaab, isla markaana Qasaaro xoogan ay gaarsiiyeen.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply