Iska Hor Imaad Ka Dhacay Magaalada Beledweyne Iyo Faah-faahino Kasoo Baxaya

 

04-07-2021

 

BELEDWEYNE – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Iska Hor Imaad u dhexeeyey Ciidamada Ammaanka iyo Maleeshiyaad taabacsan Jeneraal Abuukar Xuud oo ka dhacay Bartamaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka billowday Xaafadaha Nuur Xawaad iyo Dhagax Jabis, kadib markii ay Gudaha u galeen Maleeshiyaadka uu wato Jeneraal Xuud oo kasoo horjeedo Maamulka Hir-Shabelle.

Illaa iyo hadda lama oga Qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkaasi, waxaana Dadka Deegaanka ay shegeen in la’isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan.

Iska Hor Imaadka ka dhacay Beledweyne ayaa kusoo aadayo, Xilli Maanta la filayo in Shirka Golaha Wasiirada Hir-Shabelle lagu qabto Gudaha Magaalada Beledweyne oo Maalmihii dambe uu ku sugnaa Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Hir-Shabelle.

Xigasho: Radio Shabelle

 

Leave a Reply