Guddiga Doorashooyinka Dadban Oo Doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban

 

04-07-2021

 

MUQDISHO – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa markale loo doortay Maxamed Xasan Ciro , kadib Doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xasan Ciro ayaa Wareegii ugu dambeeyay helay 14 Cod, halka Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayay uu helay 10 Cod.

Dooroshada oo ahayd mid aad u Xasaasi aheyd, ayaa waxaa ku tartamay Shan Musharax iyadoo Wareegii Labaad ay u gudbeen Maxamed Xasan Ciro iyo Liibaan Maxamed Xasan.

Guddiga ayaa ka koobn 25 Mudane, waxaana Dalka ka maqan Xubin kamid ah, iyagoo 24ta kale ay Hoolka Xaadir ku ahaayeen ayna codeeyeen.

Guddoomiyaha Doorashada Ddaban ku guuleystay Maxamed Xasan Ciro ayaa horay u ahaa Guddoomiyihii Guddigii lagu murunsanaa ee Doorashoyinka Dalka, waxaana lagu wadaa in si toos ah Maalmaha soo socdo loo guda galo Arrimaha Doorashoyinka Dadban ee Dalka.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply