Ciidamada Dowladda Iyo Al-Shabaab Ayaa Ku Dagaalamaya Gobolka Galgaduud

 

04-07-2021

 

DHUUSAMAREEB – Wararka ka imanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Dagaal Xoog Leh oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab uu ka bilowday Deegaan ka xiga Dhinaca Koofureed Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gal-Mudug.

Ciidamo katirsan kuwa Gorgor iyo Ciidamada Qeybta 21aad ayaa waxaa ay Weerar ku qaadeen Degaano ku yaal inta udhaxeysa Tuula Xaayow iyo Ceel Dheere oo Jihada Koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Dagaal Xoog Leh ayaa la sheegay inuu ku dhex marayo halkaas Labada Dhinac, iyadoo la isu adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga illaa hadda Qasaaraha ka dhashay Dagaalka oo Muddo Saacado ah socda, waxaana halkaas gaaraya Gurmad Labada Dhinac ah.

Maamulka Gal-Mudug ayaa dhawaan sheegay inay bilaabayaan Howlgalo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo Deegaano badan kaga sugan Gal-Mudug.

Isha Warkan: Jowhar News

Leave a Reply