Dowladda Federalka Soomaaliya Oo Si Kulul Uga Hadashay Qarax Shalay Ka Dhacay Muqdisho

 

03-07-2021

 

Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay isla markaana cambaareeyey Qaraxii Ismidaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay Muqdisho.

“Waxaan cambaareynayaa Qaraxii Argagixisada Al-Shabaab Shalay Galab ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan, inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo,“ ayuu yiri Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble .

Qoraalka Wasiir Koowaadka ayaa waxa lagu sheegay in Falkan uu muujinayo sida ay AL-Shabaab uga go’antahay waxyeelleynta Shacabka, taas oo Waajib ka dhigeysa in la isku kaashado La-dagaallanka ALShabaab sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Wasiir Koowaad Rooble.

Dhinaca kale, Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu cambaareeyay Weerarkan oo ay Dowladdu ku eedeysay in ay ka dambeeyeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxana Dowladda sheegtay in Weererkan ay ku geeriyoodeen 10 Ruux in kastoo Qasaraaha intaas ka badan yahay.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay Qof Walxaha Qarxa isku soo xiray oo beegsaday Maqaayad ku taalla Isgoyska Jubba oo ay Dad badani ku fiidsanayeen.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply