Howlgalo Isbaaro Qaadis Ah Ee Uu Bilaabay Guddoomiyaha Cusub Ee Degmada Walaweyn

 

02-07-2021

 

WALAWEYN – Gudoomiyaha Cusub ee dhawaan loosoo magacaabay Degmada Walaweyne Ismaaciil sheekh abuukar ayaa D
egmada ka bilaabay Howlago Isbaaro Qaadis ah taasoo ay soo dhaweeyeen Shacabka Degmada Walaweyn.

Howlgaladan isbaaro-qadista ah ayaa waxaa ay socotaa Malintii Seddexaad.

Wararka aynu ka heleyno Degmada ayaa waxaa ay sheegayaan in Dhowr Isbaaro oo ay horey isugu heysteen qaar katirsan Masuuliyiintii Hore in Hada la qaadey, kuwa kalana lagu daba jiro.

Maamukan Cusub ee loo soo magacabay Degmada ayaad moodaa mid dardar-gelinaya Baahinda Shacabka Degmada Walaweyn oo in mudo ahba ku dhex jirey Isqabqasi Siyaasiyeed oo Salka ku hayey sidii Dhaqaale Shaqsi walba uu u sameyn lahaa taasoo dib u dhac weyn u keentey Degmada.

Si kastaba arintu ha ahaatee Dadaalka uu wado Gudoomiyaha ayaa noqon kara mid soo celiya Midnimada Shacabka Degmada taasoo kor u qaadi karta Kalsoonida ay Shacabka ku qabaan Maamulkooda.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply