Guddomiye Kumeel Meel Gaar Ah Ay Doorteen Guddiga Doorashooyinka Dadban

 

02-07-2021

 

MUQDISHO – Kulan rasmi ahaa oo ay Maanta yeesheen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaa ah, ayaa waxey Mudane Muuse Geele Yuusuf ay u doorteen Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ee Guddiga.

Guddoonkaan cusub ee KMG ah ayaa Ho
wshiisu tahay Qaban-qaabada iyo Qabashada Gudoonka Guddiga Qaran ee hagaya Doorashada.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa dhisay Guddi ka kooban Shan Xubnood oo qabanaya Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka oo dhici doonta M
aalinta Axadda ee ku beegan 4ta Luuliyo, 2021.

Guddoomiyihii Hore Maxamed Xasan Cirro ayaa si rasmi ah Madasha Shirka isaga casilay Xilkii uu horay u hayay, isagoona ku wareejiyey Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee cusub.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply