Baarlamaanka Carabta Oo Soo Dhaweeyay Xilliga Ay Dhaceyso Doorashada Soomaaliya

 

02-07-2021

 

MUQDISHO (SONNA) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil bin Cabdiraxmaan Al-Casuumi ayaa soo dhaweeyay Go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee ku saabsanaa Jadwalka Doorashooyinka.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay sida Madaxda Soomaaliya ay u muujiyeen Mas’uuliyad Wadareed si hore loogu dhaqaaqo, isagoo intaas ku daray in Baarlamaanka Carabtu garab taagan yahay Soomaaliya si loo xaqiijiyo Xasiloonida iyo Horumarka Dalka.

Guddoomiye Al-Casuumi ayaa ugu baaqay Wadamada Carabta iyo Beesha Caalamka inay taageeraan Soomaaliya si looga miradhaliyo Heshiiyadii la gaaray, sidoo kalena ay u dhacdo Doorasho Daahfuran.

Leave a Reply