Maalinta Madaxbanaanida Soomaaliya Oo Si Weyn Looga Xusay Dalka Soomaaliya, Iyadoo Soomaaliya-na Laheyn Madaxweyne Sharci Ah

 

01-07-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo guud ahaanba Dalka Soomaaliya Maanta si aad u weyn looga xusay Sanad Guuradii 61aad ee kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya ka madaxbanaanaatay Maamulkii Itaaliya (Talyaaniga) oo gaarsiinayay Madaxbanaanida laga soo bilaabo 1dii Abriilo 1950kii ilaa iyo 1dii Luuliyo 960kii, kadib markii ay Qaraamida Midowday ay Itaaliya u xilsaartay Madaxbanaani Gaarsiinta 1950kii.

Warka wuxuu ku darayaa in Xuska Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Maanta (1da Luuliyo), aanan looga dabaaldegiin halkii la dhihi jiray Waqooyiga Soomaaliya ee Maanta noqotay Jamhuuriyadda Somaliland laga bilaabo 18dii Maajo 1991dii isla markaana u dabaaldegtay 26dii Juunyo maadaama ay ka madaxbanaanaatay Dalka Biritaaniya oo kor ka maamuli jiray.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Dalka Somaliland, Dalka Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

 

 

Leave a Reply