Weerar Madaafiic Ah Ayaa Lagu Gamay Saldhig Ay Ku Sugan Yihiin Ciidamada AMISOM

 

30-06-2021

 

MAHADAAY – Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay Weerar Madaafiic ahaa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Burundi oo katirsan AMIISOM ay ku leeyihiin Degaanka Biya Cadde oo hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen Jugta Madaafiicda oo qaarkood ku dhacday Xerada Ciidamada Burundi, balse aysan Cadeyn karin Qasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadashay Weerarkaas ayaa sheegtay inay ku dileen 5 Askari oo katirsan Ciidamada Burundi ee AMISOM, balse aysan jirin Dad Madax-banaan oo xaqiijinaya Sheegashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada AMISOM Dhankooda ay Weerarka Madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana Dhowr Madfac ay ku tuureen Degaannada ku dhow-dhow Degaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Degaanka Biya Cadde ayaa waxaa ay sheegayaan in Xaaladu ay tahay mid deggan, balse Maalmihii la woo dhaafay ay kordheen Weerrarada Al-Shabaab iyo Howlgallo ay sameeynayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply