RW Rooble Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Qaar Kamid Ah Midowga Musharaxiinta

 

30-06-2021

 

MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka iyo qaar ka mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Xalay Kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay Guriga uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ka degan yahay Magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo Shalay Galab la soo gaba-gabeeyey Shirkii RW Rooble iyo Madax Goboleedyada Dalka ka jira, isla markaana Jadwal Doorasho laga soo saaray .

Kulankaan ay Xalay isugu yimaadeen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka socday Golaha Midowga Musharaxiinta, waxaa Gogoshiisa dhigay oo Madaxda Casho Sharaf u sameeyey Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxda Xalay shirtay ay wax iska weydiiyeen Xaaladda Guud ee Dalka iyo Midda Doorasho maadaama 10ka Bisha Oktoober lagu ballamay inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya islamakraana wxiii ka horreeya ay dhacaan Howlaha kale ee Doorasho.

Golaha Midowga Musharaxiinta oo Mudooyinkii dambe u muuqday mid ku kala jabay Siyaasadda Dalka ayaa Xubnaha ka socday ee Xalay Kulankaas ka-qeybgalay waxaa kamid ah, Madxweynihii Hore Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii Hore Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble, Mustaf Dhuxulow iyo Cabdinaasir Cabdulle.

Xubnaha ugu cad-cad ee ka maqnaa Kulankaas waxaa kamid ah Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuwaas oo aan la cadeyn Sababta ka baajisay Kulankii ay Xalay isugu yimaadeen Xubnaha ka kala socday Mucaaradka, Dowlad Goboleedyada iyo Xukuumadda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horay u muujiyey Saluugiisa ku aadan Shaandhayntii u dambeysay ee lagu sameeyey Guddiyada Doorashooyinka, balse illaa hadda ma jiro Siyaasi ka hor yimid ama saluugay Heshiiskii Shalay ay gaareen Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble, kaas oo lagu cadeeyey Shaxda Doorashada.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply