Maraykanka Oo Ka Hadlay Xabbad-Joojinta Itoobiya, Baaqna U Diray Ciiddanka Eritereeya

 

30-06-2021

 


Ethiopian Government Soldiers ride in the back of a truck on a road near Agula , North of Mekele, in the Tigray Region of Northern Ethiopia. (AP File)

 

WASHINGTON – Afhayeenada Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Ned Price waxay sheegtay inay Tallaabo Wanaagsan tahay Xabbad-joojinta ay Dowladda Itoobiya ku dhawaaqday, isla markaana ay wax ka bedeli karto Xaalladda Dhulka ee Dagaalka Gobalka Tigrayga.

Waxay intaasi ku dartay inay si dhow ula socon doonaan Horumarada ku soo kordho arrintaasi, iyadoo ugu baaqday Dhamaan Dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya inay si dhaqsi ah ugu heshiiyaan Xabbad-joojinta, dib loo soo celiyo Deganaanshaha Gobalka Tigrayga iyo in Samafalka la gaarsiiyo Dadka u baahan.

Afhayeenada waxay ku boorisay Dowladda Federalka Itoobiya inay sida ugu dhaqsaha badan dib loo soo celiyo Adeega Isgaarsiinta ee Gobalka Tigrayga, Xorriyada Dhaqdhaqaaqa iyo in la damaanad qaado Badqabka Ammaanka ee Shaqaalaha Hawlaha Samafalka ee Gobalka Tigrayga.

Dhinaca kale, Afhayeenadda waxay xustay inuu Maamulka Madaxweyne Biden ugu baaqay inay Eritereeya sida ugu dhaqsaha badan Ciiddankooda ugala baxaan Xuduudka Itoobiya, taasi oo muhiim u ah Dhowrista Xabbad-joojinta Tigrayga.

Xigasho: Borama News

Leave a Reply