Urur Goboleedka IGAD Wuxuu Ugu Baaqay Soomaaliya Iyo Kenya In Ay Qabtaan Doorashooyin Nabdoon

 

29-06-2021

 

JABUUTI – Urur goboleedka IGAD ayaa ka codsaday Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya in Doorashadooda soo socota ay u qabsoonto si Habsami iyo Nabad ah.

“IGAD waxay ku ammaantay Shacabka iyo Dowladaha Jabuuti, Uganda iyo Itoobiya sida ay u sameeyeen Doorashooyin Nabdoon oo Habsami leh,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.

Golaha Wasiirrada IGAD waxay ugu baaqeen Soomaaliya iyo Kenya in ay si isku mid ah u qabtaan Doorashooyin Nabdoon oo Nidaamsan sida ku xusan Jadwalka Doorashadooda.

IGAD waxay bogaadiyeen Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed Is-afgaradkii lagu soo afjaray Qilaafkii Muddada dheer soo jiitamayey isla markaana dejiyey Khariidad loo maro Doorashooyinka soo socda.

Xigasho: Hiran Online News

Leave a Reply