Howlgal Miino Baaris Oo Ay Ciidamo Ka Sameeyeen Degaan Ay Weerareen Al-Shabaab

 

29-06-2021

 

WISIL – Ciidanka Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedka Gal-Mudug oo isugu jira Milateri, Boolis iyo Nabadsugid ayaa Saakay waxaa Howlgal ka sameeyeen Deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug oo Maalmo kahor ay Weerar ku qaadeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa Howlgalka oo ujeedkiisu ahaa Miino Baaris ka sameeyay Gudaha iyo Duleedka Degaanka Wisil oo uu ka dhacay Dagaal Xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka Daraawiishta Gal-Mudug iyo Al-Shabaab, kaasi oo geystay Qasaaro.

Saraakiil katirsan Ciidanka hoggaaminaya Howlgalka ayaa sheegay inuu socdo Howlgal Dhulka Miinooyin looga baarayo, isla markaana la adkeeyay Amniga Wisil ee Gobolka Mudug, ayna socon doonaan Howlgalada.

Al-Shabaab ayaa Maalmo kahor Weerar ku bilowday Qarax Is-miidaamin ah ku qaaday Wisil, waxaana halkaas ka dhacay Dagaal Cusub oo dhexmaray Shabaabka, Ciidanka Daraawiishta Gal-Mudug iyo Dadka Deegaanka oo is abaabulay.

Qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka dhashay Dagaalka, waxaana halkaas ku dhintay in ka badan 30 Qof oo isugu jiray Askar iyo Shacab, iyadoona Shabaabka ay sheegteen in Dagaalka ay ku dileen 34 Askari, ayna qabsadeen Hub iyo Gaadiid.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply