Golaha Wadatashiga Qaran Ayaa Soo Saaray Jadwal Cusub Oo Doorasho

 

29-06-2021

 

MUQDISHO – Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo xiray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, ee looga hadlayay Habraacyada muhiimka u ah Qabsoomidda Doorashooyinka Dalka.

Shirka ayaa lagu muddeeyay Jadwalka Doorashada ee Labada Gole ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Iyada oo laga duulayo Dedaalada Qabsomidda Doorashada waxa ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran soo saareen Qodobadan:

Go’aanada

Jadwalka Doorashada

a) Tababarka iyo doorashada Guddoonka Guddiyada 30 Jun – 05 July 2021.
b) Doorashada Aqalka Sare 25 July 2021.

c) Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada 23 July 2021.
d) Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashada 15 July – 10 August 2021.

e) Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka 10 August – 10 September 2021.
f) Diyaarinta Xildhibaannada iyo doorashada Guddoonka Labada Aqal 20 September 2021.
g) Doorashada Madaxweynaha 10 October 2021.

– Universal TV Somali

Leave a Reply